|
Al shabaab oo heshay hubkii DKMG
08/Feb/2010 Masuuliyiin ka tirsan Ururka Al-shabaab ayaa waxaa ay maanta soo bandhigeen Hub iyo Sarkaal ka tirsanaa DFKM oo ay sheegeen in uu ka soo goostya DFKM ,Masuuliyiintaan Al-shabaab oo la hadalay saxaafada ayaa waxaa ay sheegeen in Sarkaalkaan uu isagu khiyaarkiis uga soo goostya DFKM.
Masuuliyiintaan Al-shabaab ayaa waxaa ay soo bandhigeen oo kale qoryo u badan kuwa gacanta gaar ahaan qoriga AK-47 oo gaaraya ilaa 50 xabo oo ay sheegeen in ay ku qabsadeen dagaaladii kale duwanaa ee ka dhacay magaalada Muqdisho.
Sarkaal ka soo goostay ciidanka DFKM ayaa waxaa ay magaciisa ku sheegeen Masuuliyiinta Al-shabaab Baashi Axmed,Afhayeenka Al-Shabaab Sheikh Cali Dheere oo hadal kooban siiyey saxaafada ayaa waxaa uu ka codsaday ciidanka Booliska iyo kuwa Milateriga DFKM ay soo dhaweynayaan haddii ay isa soo dhiibaan.
Sarkaalka ka soo goostay ciidanka DFKM Baashi Axmed oo isagan goobta kula hadlay saxaafada ayaa waxaa uu sheegay in uu ku faraxsan yahay in uu ku soo biiray ciidanka Al-shabaab
General@xogdoon.com |